War labada diktoor kala qabta!
Marka aad aragto ciwaanka sheekadaan
markiiba waxaa kugusoo dhacaysa sheekadii caanka ahayd ee la sheego in ay Magaalo
Soomaaliya ka mid ah ka dhacday, waa sheekada wadaadka caalimka ahi intuu dugsiga soo
galo uu macallinka quraanka khaldaya u saxayo oo illeen nin dhawr suuradood ku
shaqaysta ayuu ahaaye caalimkii kusoo farabaxsanayo si uu khaladkiisa u asturo, ka dibna dadkii meesha joogay ay kala dhexgaleen iyagoo leh “war labada
macallin kala qabta” waa marka la dhoho wadaadkaas caalimka ah baa yiri “diintiinnu
macallin ma dhaafto”; Inta aan xasuusan baan u dulmarayaye markaanna bal aan
labada diktoor kala qabanno!
Diktoorka koowaad waa diktoor kasoo
qalin-jabiyay jaamacadaha waddanka dibaddiisa ah wuxuu soo bartay mid ka mid ah
kulliyadaha la xariira caafimaadka (Paramedical), wuxuu dhawaan dib ugusoo
laabtay waddanka, hadda ma ahan ninkani sidii uu waddanka uga tagay, ma
xambaarsana aragtidii koobnayd iyo aqoontii dugsiga sare ee uu magaaladan kala
tagay, kuma uu dhex jiro ee dusha ayuu ka arkaa baahiyaha iyo dayaca magaalada
ka jira ee uusan awal arkiba jirin, waxaa sagootiyay shalay reerkiisa iyo
asxaab kooban kaliya laakiin manta wuxuu filayaa in magaalo u wada baahan uu
kasoo dagay,nasayey oo ehelkii ay kala baadeen salaan ugu wada tagyey, haddee
marka sow ma aha in uu xirfaddiisii la shaqo tago oo bal intii uu ka gaaro
ummadda wax taro isna magaaladii uu ardaynimada ku joogay nolol tii ka duwan ku
joogo, wuxuu booqday hadda mid ka mid ah isbitaallada magaalada si uu qayb uga
noqdo shaqada soconaysa, waxaa la geeyay isbitaalka qaybtii isaga ka quseysay
waxaana kusoo dhaweeyay diktoorkii labaad; haddaba waa kuma diktoorka labaad?
Bal ha ii dambeeyo diktoorka labaade
ganacsatada isbitaallada ama xarumaha waaweyn ee loo shaqo tago waxay
leeyihiin xeerar ay ku doortaan shaqaalaha ay qaadanayaan iyagoo aanba milicsan
natiijada shaqaaluhu soo saarayaan maadaama xarumaha iyagu leeyihiin sida ay
aaminsanyihiinna aan cidu kula xisaabtamayn tayada shaqaalohooda.
Xeerarkooda waxaa ugu horreeya;
ü shaqaale jaban iyo
ü in reerka maamulaha ama mulkiiluhu meesha ka muuqdaan.
Waxaa magaalada ku yaalla macaahid
laba qol ama saddex qol ka kooban oo iyagu isku abaabulay in ay dadka
waxbarashada ka daahay bal garab qabtaan oo adduunkaan qalinka la wada qaatay kulay
ku ahaatana jaranjarada koobaad kasoo saaraan, bilowgii waxay bixin jireen
xoogaa qofku dabka uga leexdo sida aasaaska luuqadaha, farsamooyinka gacanta ee sahlan iyo
xisaabta aasaasigaa, haddase warku intii horeba soo dhaaf, waa jaamacado bixiya
takhasusyo caalami ah, waa maraakis ay kasoo baxaan dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka deegaanka intiisa badan,
maadaama dabagalka caafimaadka iyo kan waxbarashaduba hooseeyo ganacsatada
macaahiddaan waxay soo saaraan arday shahaadooyin wata oo noocyada kala duwan ee shaqooyinka qabta.
Waxba yaanan hadalka kugu daaline
diktoorka labaad waa aqoonyahan kasoo qalinjabiyay jaamacadaha fudud ee ay ka qaadatay muddo hal bil ah shahaadada caafimaad ee uu wato, isaga ayaa qeybtaan isbitaalka masuul ka ah.
Waxaa
loosoo galiyey diktoorkii kowaad waa lays magac baray waana laysaga tagay wuxuu amar iyo adeeg u
diro maalintaas oo illeen isna waa warmoogee "haye diktoor-ta" hayo waa lays waraystay bal ninkasta darajada uu wato iyo maalmaha
iyo habeennada uu waxbarasho usoo jeeday iyo dhib wuxuu kalasoo kulmay,
diktoorka labaad wuxuu sheegay in aysan waxbarashadu wakhti badan
u baahnayn ee ay muhiimaddu tahay sida dadka aad u shaqaynayso aad u taqaanid
iyo in aad warqad uun wadatid magacay doonto ha lahaatee isaguna uu intaas
sameeyay, sidoo kale inaan ciduna kala xisaabtamayn wixii khaldan ee soo baxa
sababtoo ah buu yiri “Ilaahay baa wax daaweeya, qofkii uu ugu talagalayna
isagaa iska biskoonaya”
Diktoorkii koowaad wuxuu maalinkaas ka baxay
xaruntii caafimaadka isagoo is weydiinaya in isbitaalkan iyo
kuwa kaleba shaqaalaha joogaa ay wada haystaan shahaadooyinkan fudud, wuxuuna niyadda iska leeyahay awal quraankay ahayde illeen meel kasta cilmigu
bowsi ma dhaafin! hadda wuxuu qorshaynayaa bal inuu qeyb ka noqdo isbaddal
lagu sameeyo bulshada isaga hiil iyo hoo’ba ka sugaysa
iyo inuu helo koox ay is garab istaagaan si loo hagaajiyo ceebaha bulshada baahiyahana wax looga qabto.
DHAMMAAD.

Aragtidaada taban waa horumar bulsho; in aad asturto tan toganna waa ilbaxnimo.
ReplyDelete