Tuesday, 1 July 2014

SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMA AADAN HAMBAYN!

Taariikhaha dunidu waa wax is dabayaalla waa isha ay ka unkamaan halka markaas la marayo iyo mustaqbalka la hiigsanayaba.

Ummad kasta waxay ilaashataa waayeheedii hore si ay u hesho ambaqaad habboon dibna aan ugu celinayn waxyaalo ay kasoo gudubtay ama waqti ay hore usoo mareen, waxay u adeegsadaan inaysa illoobin maalmihii farxadda ama xanuunka lahaa ee soo maray ciddii maalinta ay gacan u baahnaayeen u fidisay iyo cidda ka laabatay.

Ummaddii waayeheedii hore ama taariikhdeedii ka tagta waxay la midyihiin dad hadda soo baraarugay ayna ka maqantahay waaya aragnimadu waxaa laga yaabaa inay dib usoo bilaabaan maalmo mugdi ah oo dunidu markaas dhaaftay ama ay halleeyaan xariirro hore u wanaagsanaan jiray.

Maahmaahdaan waxaan qormadayda ugu bilowday sida wacan ee ay u tilmaamayso saamaynta waayihii tagay ay ku yeelanayaan waqtiga hadda jooga
.

Monday, 7 April 2014

BIL KADIB


Waxaa maanta(8.April.2014) ii dhammaatay muddo bil ah oo aan gebi ahaanba ka maqnaa goobaha lagu xariiro ee Internet-ka.

Waxaan rabaa inaan marka hore sxbayadaydii aan bisha kala maqnayn ka gudoomo soo dhawayntooda iyo hambalyadooda isoo gaartay saacadihii ugu dambeeyay kadib markaan dib ugusoo laabtay goobaha lagu xariiro.

Waxaan hambalyooyinkooda uga guddoomayaa waji aysa ka muuqan dhoolla cadayn iyo farxad, qalbi garowsan inuu dib u harayn doono mashquul aan macne wayn ku fadhiyin iyo waqti dhumis baahsan.

Ilmuhu markuu dhasho waxaa ku farxa dhammaan inta hareerihiisa joogta oo ay ugu horreeyaan waaridkii uu u dhashay balse isagu imaanshihiisa wuxuu ugu dabbaal dagaa oohin taas oo lagu sheego inuusa ku faraxsanayn adduunyo ay buux dhaafiyeen mashquul, macno yari iyo iyo fasahaad sida Soomaalidu qabto inkastoo fasiraado ka duwan jiraan.

Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee qofka Ilaahay u hibeeyay, waa waxa dhaliya in qof noqdo shaqsi adduunka magac iyo maamuus uga taga halka mid kalena waaridkii dhalay un ay soo xasuustaan waxa ay isku dhaafeenna waa sida ay uga faa’idaysteen waqtigii Rabbi ku manaystay.

Waddan sida dalkeenna Soomaaliya oo kale ah wuxuu u baahanyahay dad ka faa’idaysta waqtigooda si ay u hormariyaan, laakiin waxaa guuldarro ugu filan in dadkiisii aysanba dareensanayn faa’iidada waqtida markaasna waqtigooda qaybtii ugu muhiimsanayd ay ku lumiyaan macno yari.

Xilligii aan ka maqnaa hawada waxay ahayd waqti kooban iima suurta galin in sidii aan rabay uu iigu dhammaado balse ugu yaraan waxaan dareemay in waqti badan uu dhumi jiray una baahan in laga faa’idaysto, waana mid aan aaminsanahay inay haysato dad badan oo aan ka mid ahay.

Hadda umasoo laaban inaan ujeedooyinkaygii soo dhamaystay lkn waxaan kusoo laabtay aragti ka duwan tii aan markii hore ku joogay goobaha aan usoo laabtay.

Qoraalkayga waxaan kusoo af-meerayaa xikmaddii Xasan Al-bisri “Bani aadamow noloshaadu waa maalmo, haddii maalin tagana qayb kaa mid ah ayaa tagtay”.

Hussein M. Hersi
xusen.naji@gmail.com
www.facebook.com/hussein.m.hersi


Wednesday, 22 January 2014

Soo dhawayntii looxayga



   
 Arar:

Mudanayaal iyo Murwooyin akhristayaashayda sharafta leh waxaan idin kusoo dhawaynayaa looxayga cusub, waxaa sharaf ii ah inaad ahaataan akhristayaasha iyo kuwa ku taxan looxayga.

Maxaan ku qorayaa:

Looxaygu ma ahaan doono mid si toos ah ugu jira fagaaraha siyaasadda maanta ee soomaaliya, mana ahaan doono mid gebi ahaanba ka dhex baxsan saaxada siyaasadda, waxaan ugu tala galay inaan kusoo bandhigo aragtiyaha kala duwan ee aan ka haysto ama aan la wadaago ummadda dhanka horumarka dalka, waxaan dhiiri galin doonaa horumarka dalka dhinacyadiisa kala duwan, waxaan uga hadli doonaa arrimaha bulshada waxbarashada, deegaanka, caafimaadka sidoo kale mararka qaar waxaan soo qori doonaa taariikho iyo qisooyin, suugaantu asaasi uma noqon doonto looxayga kamana marnaanayso, looxayga waxaan ku marti qaadi doonaa mararka qaar qoraayaal iyo dadka sameeya qisooyinka si ay iigala qayb qaataan hanuuninta dadka dhinacyada kala duwan ee bulshada

Gabogabo:

waxaa hubaal ah qof kasta oo qoraal sameeya inuu yeelanayo aragtiyo kasoo horjeeda oo dhaliila qoraalkiisa, waxaan si buuxda usoo dhawaynayaa dhaliil kasta, waxaana leeyahay aan ka wada doodno si' aan wax isula saxno.
waxaan aaminsanahay falsafadda ah "BURBURI ARAGTIDA KAASOO HORJEEDDA ADIGOO ADEEGSANAYA DALIILO CADCAD LKN HA BURBURIN QOFKA ISKA LEH"



Mahadsanidiin

Hussein M. Hersi
xusen.naji@gmail.com
www.facebook.com/hussein.m.hersi