Monday, 30 May 2016

AWOODDA IS DHIIRIGELINTA

Waxaa layli loogasoo diray casharka horumarinta bani’aadamka ee ay dumarka xaasaska ahi ku qaataan Kaniisadda maalinka axadda ah, layligu waa sidatan:
Waxaad ninkaaga soo weydiisaa lix arrimood/dhaqan oo haddii aad iska deyso aad noqonaysid xaas wanaagsan.

Waxay dumarkii raggooda kulasoo noqdeen su’aashii si uu ugu iftiimiyo khaladaadka uu ku arko si ay iyana iskaga deyso jawaabta layliga loosoo dirayna u geyso.
Mucjisadu waxay ahayd markii nin ka mid ah ragga xaaskiisu weydiisay habeenkii lixda wax ee haddii ay iska deyso ay xaas wanaagsan u noqonayso; markii uu ka fikirayna wuxuu ku yiri “illaa beri igasug jawaabta”.

Waagu markuu baryey ayuu ka hor kacay wuxuu u yeeray mid ka mid ah nimanka ubaxa iibiya wuxuuna ka iibiyey lix (6) ubax oo cassaan ah,wuuuna ugusii dhiibay ninkii fiyooraha gadayey isagoo kusoo daray warqad yar oo ay ku qorantahay
“Ma garankaro lix waxyaabood oo haddii aad iska deyso aad xaas wanaagsan noqonaysid; waxaan kugu jeclahay sida aad tahay”.

Habeenkii waxaa albaabka iga furay xaaskeyga oo ooyeysa ayuu leeyahay, markaas ayaana ogaaday dhiirigelinta awooddeeda iyo sidoo kale haddii aan lix khalad sheegi lahaa in aniguba aan leeyahay kumannaan khalad.

Axaddii dambe markii qof walba jawaabtiisii geeyay kadib waxaa ila kulmay ayuu yiri dumarkii qeyb ka mid ah waxayna ii sheegeen in jawaabteydu ahayd tix-gelintii ugu weyneyd ee ay abid maqlaan.


Sheekadaan waxaan kasoo qaatay qoraaga caalamiga ah ee Dale Carnegie buuggiisa “How to win friends and influence people”

Thursday, 26 May 2016

War labada diktoor kala qabta!

Marka aad aragto ciwaanka sheekadaan markiiba waxaa kugusoo dhacaysa sheekadii caanka ahayd ee la sheego in ay Magaalo Soomaaliya ka mid ah ka dhacday, waa sheekada wadaadka caalimka ahi intuu dugsiga soo galo uu macallinka quraanka khaldaya u saxayo oo illeen nin dhawr suuradood ku shaqaysta ayuu ahaaye caalimkii kusoo farabaxsanayo si uu khaladkiisa u asturo, ka dibna dadkii meesha joogay ay kala dhexgaleen iyagoo leh “war labada macallin kala qabta” waa marka la dhoho wadaadkaas caalimka ah baa yiri “diintiinnu macallin ma dhaafto”; Inta aan xasuusan baan u dulmarayaye markaanna bal aan labada diktoor kala qabanno!

Diktoorka koowaad waa diktoor kasoo qalin-jabiyay jaamacadaha waddanka dibaddiisa ah wuxuu soo bartay mid ka mid ah kulliyadaha la xariira caafimaadka (Paramedical), wuxuu dhawaan dib ugusoo laabtay waddanka, hadda ma ahan ninkani sidii uu waddanka uga tagay, ma xambaarsana aragtidii koobnayd iyo aqoontii dugsiga sare ee uu magaaladan kala tagay, kuma uu dhex jiro ee dusha ayuu ka arkaa baahiyaha iyo dayaca magaalada ka jira ee uusan awal arkiba jirin, waxaa sagootiyay shalay reerkiisa iyo asxaab kooban kaliya laakiin manta wuxuu filayaa in magaalo u wada baahan uu kasoo dagay,nasayey oo ehelkii ay kala baadeen salaan ugu wada tagyey, haddee marka sow ma aha in uu xirfaddiisii la shaqo tago oo bal intii uu ka gaaro ummadda wax taro isna magaaladii uu ardaynimada ku joogay nolol tii ka duwan ku joogo, wuxuu booqday hadda mid ka mid ah isbitaallada magaalada si uu qayb uga noqdo shaqada soconaysa, waxaa la geeyay isbitaalka qaybtii isaga ka quseysay waxaana kusoo dhaweeyay diktoorkii labaad; haddaba waa kuma diktoorka labaad?

Bal ha ii dambeeyo diktoorka labaade ganacsatada isbitaallada ama xarumaha waaweyn ee loo shaqo tago waxay leeyihiin xeerar ay ku doortaan shaqaalaha ay qaadanayaan iyagoo aanba milicsan natiijada shaqaaluhu soo saarayaan maadaama xarumaha iyagu leeyihiin sida ay aaminsanyihiinna aan cidu kula xisaabtamayn tayada shaqaalohooda.

Xeerarkooda waxaa ugu horreeya;
ü shaqaale jaban iyo
ü  in reerka maamulaha ama mulkiiluhu meesha ka muuqdaan.

Waxaa magaalada ku yaalla macaahid laba qol ama saddex qol ka kooban oo iyagu isku abaabulay in ay dadka waxbarashada ka daahay bal garab qabtaan oo adduunkaan qalinka la wada qaatay kulay ku ahaatana jaranjarada koobaad kasoo saaraan, bilowgii waxay bixin jireen xoogaa qofku dabka uga leexdo sida aasaaska luuqadaha, farsamooyinka gacanta ee sahlan iyo xisaabta aasaasigaa, haddase warku intii horeba soo dhaaf, waa jaamacado bixiya takhasusyo caalami ah, waa maraakis ay kasoo baxaan dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka deegaanka intiisa badan, maadaama dabagalka caafimaadka iyo kan waxbarashaduba hooseeyo ganacsatada macaahiddaan waxay soo saaraan arday shahaadooyin wata oo noocyada kala duwan ee shaqooyinka qabta.

Waxba yaanan hadalka kugu daaline diktoorka labaad waa aqoonyahan kasoo qalinjabiyay jaamacadaha fudud ee ay ka qaadatay muddo hal bil ah shahaadada caafimaad ee uu wato, isaga ayaa qeybtaan isbitaalka masuul ka ah. 
Waxaa loosoo galiyey diktoorkii kowaad waa lays magac baray waana laysaga tagay wuxuu amar iyo adeeg u diro maalintaas oo illeen isna waa warmoogee "haye diktoor-ta" hayo waa lays waraystay bal ninkasta darajada uu wato iyo maalmaha iyo habeennada uu waxbarasho usoo jeeday iyo dhib wuxuu kalasoo kulmay, diktoorka labaad wuxuu sheegay in aysan waxbarashadu wakhti badan u baahnayn ee ay muhiimaddu tahay sida dadka aad u shaqaynayso aad u taqaanid iyo in aad warqad uun wadatid magacay doonto ha lahaatee isaguna uu intaas sameeyay, sidoo kale inaan ciduna kala xisaabtamayn wixii khaldan ee soo baxa sababtoo ah buu yiri “Ilaahay baa wax daaweeya, qofkii uu ugu talagalayna isagaa iska biskoonaya”

Diktoorkii koowaad wuxuu maalinkaas ka baxay xaruntii caafimaadka isagoo is weydiinaya in isbitaalkan iyo kuwa kaleba shaqaalaha joogaa ay wada haystaan shahaadooyinkan fudud, wuxuuna niyadda iska leeyahay awal quraankay ahayde illeen meel kasta cilmigu bowsi ma dhaafin! hadda wuxuu qorshaynayaa bal inuu qeyb ka noqdo isbaddal lagu sameeyo bulshada isaga hiil iyo hoo’ba ka sugaysa iyo inuu helo koox ay is garab istaagaan si loo hagaajiyo ceebaha bulshada baahiyahana wax looga qabto.


DHAMMAAD.