AWOODDA IS DHIIRIGELINTA
Waxaa layli
loogasoo diray casharka horumarinta bani’aadamka ee ay dumarka xaasaska ahi ku
qaataan Kaniisadda maalinka axadda ah, layligu waa sidatan:
Waxaad
ninkaaga soo weydiisaa lix arrimood/dhaqan oo haddii aad iska deyso aad
noqonaysid xaas wanaagsan.
Waxay
dumarkii raggooda kulasoo noqdeen su’aashii si uu ugu iftiimiyo khaladaadka uu
ku arko si ay iyana iskaga deyso jawaabta layliga loosoo dirayna u geyso.
Mucjisadu
waxay ahayd markii nin ka mid ah ragga xaaskiisu weydiisay habeenkii lixda wax
ee haddii ay iska deyso ay xaas wanaagsan u noqonayso; markii uu ka fikirayna
wuxuu ku yiri “illaa beri igasug jawaabta”.
Waagu markuu
baryey ayuu ka hor kacay wuxuu u yeeray mid ka mid ah nimanka ubaxa iibiya wuxuuna
ka iibiyey lix (6) ubax oo cassaan ah,wuuuna ugusii dhiibay ninkii fiyooraha
gadayey isagoo kusoo daray warqad yar oo ay ku qorantahay
“Ma garankaro
lix waxyaabood oo haddii aad iska deyso aad xaas wanaagsan noqonaysid; waxaan kugu
jeclahay sida aad tahay”.
Habeenkii
waxaa albaabka iga furay xaaskeyga oo ooyeysa ayuu leeyahay, markaas ayaana
ogaaday dhiirigelinta awooddeeda iyo sidoo kale haddii aan lix khalad sheegi
lahaa in aniguba aan leeyahay kumannaan khalad.
Axaddii
dambe markii qof walba jawaabtiisii geeyay kadib waxaa ila kulmay ayuu yiri
dumarkii qeyb ka mid ah waxayna ii sheegeen in jawaabteydu ahayd tix-gelintii
ugu weyneyd ee ay abid maqlaan.
Sheekadaan waxaan kasoo qaatay qoraaga caalamiga ah
ee Dale Carnegie buuggiisa “How to win friends and influence people”

Waaw nice novel
ReplyDeleteDr xuseen xirsi sxb waa sheeko cilmi baaris ah oo cajiib ah maashaa Allah
ReplyDeletexikmad si dhab ah looga jawaabay weeye
Sheekadaan labada Xikmadood ee ugu muhiimsan waa
ReplyDelete1. qof kasta haddii la baaro dhaliilo wuu leeyahay ee inta wanaagsan hallagu wada socdo.
2. Midda labaad ee muhiimka ahina waa inaad dhiirigeliso lammaanahaaga had iyo goor.
waa mahadsantihiin sxbayaal
Sheekadaan labada Xikmadood ee ugu muhiimsan waa
ReplyDelete1. qof kasta haddii la baaro dhaliilo wuu leeyahay ee inta wanaagsan hallagu wada socdo.
2. Midda labaad ee muhiimka ahina waa inaad dhiirigeliso lammaanahaaga had iyo goor.
waa mahadsantihiin sxbayaal