Xabbaddu waxbay dishaa!
Askari xilligii dowladdii dhexe
jirtay tababar loo geeyay talyaaniga ayaa yiri sargaal na tababarayey muddadii
2da bilood ahaa ee ugu horreysay ayaa subax kasta markii aan soo safanno
sabuuradda ku qori jiray “Xabaddu waxbay dishaa” isna ma uusan sharixi jirin
annana waan la yaabanayn kalmaddan uu dhawrka bilood nagu salaamayo, hadda
ayaanse ogaaday ayuu sii raaciyey in ay xabbaddu wax disho.
Qormadan kooban waxaan ku
falanqeyndoonnaa colaadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo bilowgoodii heerarkii
ay soo martay iyo sida lagu xallin karo.
1993 waxay ahayd markii ugu
horraysay oo si rasmi ah la iskula fariistay heshiis qoranna lagasoo saaray
dagaalladii ka bilowday magaalada Gaalkacyo 1991-kii, heshiiskaas aan wax yar
ka iftiiminno marka hore.
Heshiiskii
1993:
Heshiiskan waxa uu ka koobnaa 15
qodod waxaana gaaray saddexdii jamhadood ee deegaanka mudug kasoo jeeday oo
kala ahaa (SNDU, SSDF IYO SNA).
Sida cinwaanka hore ee heshiiska ku
caddeyd heshiisku si gaar ah ugama hadlayn magaalada Galkacyo ee waxa uu
quseeyay si guud (Nabadeynta Gobollada Bari Nugaal iyo Mudug) taas oo ujeedka
gaarka ah ka leexinaysa Gaalkacyo oo ahayd goobta ubucda u ahayd khilaafka in
aan si gaarka heshiiska loogu lafa gurin.
Marka laga tago qodobada inta badan
oo ka hadlayey xaaladdii markaa taagneyd 4-ta qodob ee ugu horreeya oo kaliya
ayaa ka hadlayey mustaqbalka deegaanka iyo sida loo wada degenaanayo.
Haddaba aan kasoo qaadanno 3 ka mid
ah qodobbadaas.
Qodobka 2-aad
Mushkiladdii bulshada deegaannadeeda
kala duwan ka dhex dhacda ha weynaato hase yaraatee in aan xoog iyo hub lagu
xallin, ee si nabad gelyo ah iyo wada hadallo lagu xalliyo.
FG: qodobkaan qaabka loo qoray waa mid qurux badan lkn marka awood ka
saraysa kuwa heshiinaya ama maxkamad kala xukumaysa jirto ayuu munaasab yahay
lkn awoodo is le’eg midkii xadgudub sameeyana cidu aysan khaladkiisa tusi Karin
qodobkan wuxuu u yahay uun khad warqad lagu qoray.
Qodobka 3-aad:
In dhulka soomaaliyeed qaranka
soomaaliyeed iska leeyahay qof kasta oo soomaali ahina dagi karo ku noolaan
karo kana shaqaysan karo meel kasta hase yeeshee beeluhu ay deegaan ahaan u
kala leeyihiin jiidihii dhaqan ahaan u kala degi jireen kuna kala noolaan
jireen.
FG: qodobkaan waxa uu quseeyaa sida ciwaanka ku cad guud ahaan
gobollada qalalaasuhu ka jiray lkn Gaalkacyo oo kale oo la wada dago sida
layskula noolaanayo kuma cadda waana mid ka mid ah khaladaadka heshiiskan.
Qodobka 4-aad:
Wada noolaasho wada dhaqan iyo
iskaashi si tallaabo tallaabo ah ku yimaada.
FG: qodobkaan oo kale heshiis ma gali karo sababtoo ah ma cadda
tallaabooyinka uu ku imaanayo iyo muddada ay ku qaadanayso iskaashiga iyo wada
dhaqanku ee waa wax uun laabta laga jeclaaday.
Xalka Magaalada
Gaalkacyo:
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “
nin maqan tebidiis waa ninka jooga ceebtiisa” qof kasta oo xalka Gaalkacyo ka
hadlana wuxuu soo qaataa heshiiskii saddexda jamhadood gaareen kaas oo aan
habayaraatee mustaqbalka Gaalkacyo ka hadlin, taas oo keentay in heshiiskaas 23
sano kadib wali dagaalladii sidii u socdaan walina lagu dhimanayo isla halkii
dagaalku ka bilowday taasaana markhaati cad u ah tayo xumada heshiiskaas; haddaba
maxaa xal ah maanta?
Aniga waxay ila
tahay 3 qodob midkood in ay reer Gaalkacyoodku qaataan.
1.
In
magaalada qoladii ku xoog badata la wareegto labadeeda dhinacna xukunto
2.
In
magaalada laga saaro maamul goboleedyada gacantooda lana hoos geeyo federaalka,
maamulkeeda iyo dhaqaaleheedana federaalku qaybiyo.
3.
In
ilaha dhaqaalaha oo isku dhacyada sal u ah si caddaalad ah labada dhinac loogu
qaybiyo
Maxaa ka dhalan
kara:
v Qodobka kowaad haddii la qaato dhibaatada hadda jirta kuma
dhammaanayso waxayna noqonaysaa mushkilad waligeed taagnaata.
Tusaaleyaal: dhawr iyo labaatankii sano ee dagaalladu dhacayeen soomaaliya
wali lama sheegin deegaan qoladii degenayd xoog loogala wareegay.
Gumaystihii awoodda badnaa uma
suurta galin in uu xukunkiisu ku waaro waddamadii uu qabsaday ee ugu dambayn
dadkii lahaa ayaa soo ceshaday
Muslimiintu markii ay dhulka Andalus
furteen dadkii deegaanka maamulkii looma dhiibin ee carabtii timid ayaa
qabsatay, muddo siddeed qarni ku dhow kadibna dadkii deegaanka ayaa dhulkoodii
soo ceshaday muslimiintiina waa lagasoo saaray.
v Qodobka labaad haddii la qaato: waxay ku xirantahay kalsoonida la
siiyo federaalka iyo sida uu wax u qaybiyo haddii xilligaan kala guurka ah
dowladda ka dambayn doonta kalsooni shacabka siiso qodobkaan wuxuu noqon karaa
mid si nabad ah loogu wada daganaado.
v Qodobka saddexaad haddii la qaato: xaqiiqadu waxay tahay ilaha
dhaqaalaha gobolka oo dhan waxaa gacanta ku haya maamulka Puntland oo magaalada
xaafadaha u badan hoos yimaadaan.
Shacabka Puntland ee wuqooyiga
deggan dhaqaalaha ilahaas kasoo baxa ma gaaro, xarumo caafimaad looguma furin,
waxbarasho qiimo dhimis looguma samayn, amni looguma sugin oo waxay magaaladu
ka mid tahay meelaha ugu dilka badan dalka Soomaaliya.
Haddaba haddii qodobkaan 3aad la
qaato waxaan u arkaa in ilaha dhaqaalaha ee gobolka lagu qeybsado xaafadihii
asalka ahaa ee magaalada xaafad kastana xuquuqda ay ku leedahay ka hesho
kadibna xasillooni lagu wada daganaado.
Gunaanad:
Dhalinyarada: berigii aan iskuulka dhiganayey waxaan jeclaa cudurdaar kasta oo
aan fasax ku heli karo xittaa haddii uu noqdo dagaal magaalada ka dhaca; oday
Daad la oran jiray baa laga sheegay “tollaaye anaa ka gaboobaye wali waa sidoodii”
mar uu ka hadlayey arrin dhalinyaranimadiisii quseysa, haddaba wax
mustaqbalkiinna saamaynaya waligiin ha u sacabbo tuminina gadaal baadna ka
garan doontaan.
Ciidammada: Noloshu waa hadiyad qaali ah oo Ilaahay ku siiyey, geeriduna ma
dammaanad qaadeyso in aad tageyso meel ka wanaagsan halka aad hadda joogto.
Siyaasiyiinta: sababta ugu weyn oo dhiirigelinta idinsiisa waa xisaabtan la’aanta
shacabka iyo aqoonyarida ka haysa maamul wanaagga iyo waxa ay uga baahanyihiin,
haddaba imtixaankaan haddii aad qish ka haysataan kan aakhiro ciyaar loogama
gudbayo. Ilaahay uga cabsada shacabka.
Xabbaddu waxbay dishaa!!!
Dr. Xuseen Maxamed Xirsi
Xusen.naji@gmail.com