Sunday, 28 January 2018


Afar wadaad baa ku heshiiyay in ay labo asbuuc ictikaaf aamusnaan ah (meditation) ku qaataan goob cibaado, waxay ku heshiiyeen in ay shumac shitaan si ay iskugu baaqaan habeenkii intay hadli lahaayeen.
Habeenkii ayaa hawo damisay shumicii;
Mid baa yiri: Shumacii wa damay.
Kii kalaa yiri: sow aamusnaan kumeynaan heshiin
Kii saddexaad baa yiri: labadiinnu sharcigii waad jabiseen
Kii afaraad ayaa qoslay oo yiri aniga kaliya ayaa aamusan.
Dulucda sheekada:
Kan kowaad waxaa saameeyay wax banaanka kadhacayey dib ayuu u daarikaray shumaca isagoo aamusan.
Kan labaad sharci la jabiyey ayuu ka hadlayaa hawshiisa ayuu iskasii wadan karay
Kan saddexaad wuu xanaaqay inuu isdajiyey ahayd
Kan afaraad waxaa qaaday isjeclaan, guushiisa ayuu aamusnaan ugu raaxaysan karay.
*Afartoodu waxay ka simanyihiin in fikraddooda oo aysan shaandhayn wadaageen midkoodna ma keenin fikrad waxsoo kordhinaysa mana aamusin.
*Qofka caqliga badan waa qofka ama wax soo kordhiya iska aamusa.

Friday, 25 November 2016

Xabbaddu waxbay dishaa!
Askari xilligii dowladdii dhexe jirtay tababar loo geeyay talyaaniga ayaa yiri sargaal na tababarayey muddadii 2da bilood ahaa ee ugu horreysay ayaa subax kasta markii aan soo safanno sabuuradda ku qori jiray “Xabaddu waxbay dishaa” isna ma uusan sharixi jirin annana waan la yaabanayn kalmaddan uu dhawrka bilood nagu salaamayo, hadda ayaanse ogaaday ayuu sii raaciyey in ay xabbaddu wax disho.
Qormadan kooban waxaan ku falanqeyndoonnaa colaadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo bilowgoodii heerarkii ay soo martay iyo sida lagu xallin karo.
1993 waxay ahayd markii ugu horraysay oo si rasmi ah la iskula fariistay heshiis qoranna lagasoo saaray dagaalladii ka bilowday magaalada Gaalkacyo 1991-kii, heshiiskaas aan wax yar ka iftiiminno marka hore.
Heshiiskii 1993:
Heshiiskan waxa uu ka koobnaa 15 qodod waxaana gaaray saddexdii jamhadood ee deegaanka mudug kasoo jeeday oo kala ahaa (SNDU, SSDF IYO SNA).
Sida cinwaanka hore ee heshiiska ku caddeyd heshiisku si gaar ah ugama hadlayn magaalada Galkacyo ee waxa uu quseeyay si guud (Nabadeynta Gobollada Bari Nugaal iyo Mudug) taas oo ujeedka gaarka ah ka leexinaysa Gaalkacyo oo ahayd goobta ubucda u ahayd khilaafka in aan si gaarka heshiiska loogu lafa gurin.
Marka laga tago qodobada inta badan oo ka hadlayey xaaladdii markaa taagneyd 4-ta qodob ee ugu horreeya oo kaliya ayaa ka hadlayey mustaqbalka deegaanka iyo sida loo wada degenaanayo.
Haddaba aan kasoo qaadanno 3 ka mid ah qodobbadaas.
Qodobka 2-aad
Mushkiladdii bulshada deegaannadeeda kala duwan ka dhex dhacda ha weynaato hase yaraatee in aan xoog iyo hub lagu xallin, ee si nabad gelyo ah iyo wada hadallo lagu xalliyo.
FG: qodobkaan qaabka loo qoray waa mid qurux badan lkn marka awood ka saraysa kuwa heshiinaya ama maxkamad kala xukumaysa jirto ayuu munaasab yahay lkn awoodo is le’eg midkii xadgudub sameeyana cidu aysan khaladkiisa tusi Karin qodobkan wuxuu u yahay uun khad warqad lagu qoray.
Qodobka 3-aad:
In dhulka soomaaliyeed qaranka soomaaliyeed iska leeyahay qof kasta oo soomaali ahina dagi karo ku noolaan karo kana shaqaysan karo meel kasta hase yeeshee beeluhu ay deegaan ahaan u kala leeyihiin jiidihii dhaqan ahaan u kala degi jireen kuna kala noolaan jireen.
FG: qodobkaan waxa uu quseeyaa sida ciwaanka ku cad guud ahaan gobollada qalalaasuhu ka jiray lkn Gaalkacyo oo kale oo la wada dago sida layskula noolaanayo kuma cadda waana mid ka mid ah khaladaadka heshiiskan.
Qodobka 4-aad:
Wada noolaasho wada dhaqan iyo iskaashi si tallaabo tallaabo ah ku yimaada.

FG: qodobkaan oo kale heshiis ma gali karo sababtoo ah ma cadda tallaabooyinka uu ku imaanayo iyo muddada ay ku qaadanayso iskaashiga iyo wada dhaqanku ee waa wax uun laabta laga jeclaaday.
Xalka Magaalada Gaalkacyo:
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ nin maqan tebidiis waa ninka jooga ceebtiisa” qof kasta oo xalka Gaalkacyo ka hadlana wuxuu soo qaataa heshiiskii saddexda jamhadood gaareen kaas oo aan habayaraatee mustaqbalka Gaalkacyo ka hadlin, taas oo keentay in heshiiskaas 23 sano kadib wali dagaalladii sidii u socdaan walina lagu dhimanayo isla halkii dagaalku ka bilowday taasaana markhaati cad u ah tayo xumada heshiiskaas; haddaba maxaa xal ah maanta?
Aniga waxay ila tahay 3 qodob midkood in ay reer Gaalkacyoodku qaataan.
1.     In magaalada qoladii ku xoog badata la wareegto labadeeda dhinacna xukunto
2.     In magaalada laga saaro maamul goboleedyada gacantooda lana hoos geeyo federaalka, maamulkeeda iyo dhaqaaleheedana federaalku qaybiyo.

3.     In ilaha dhaqaalaha oo isku dhacyada sal u ah si caddaalad ah labada dhinac loogu qaybiyo

Maxaa ka dhalan kara:
v Qodobka kowaad haddii la qaato dhibaatada hadda jirta kuma dhammaanayso waxayna noqonaysaa mushkilad waligeed taagnaata.
Tusaaleyaal: dhawr iyo labaatankii sano ee dagaalladu dhacayeen soomaaliya wali lama sheegin deegaan qoladii degenayd xoog loogala wareegay.
Gumaystihii awoodda badnaa uma suurta galin in uu xukunkiisu ku waaro waddamadii uu qabsaday ee ugu dambayn dadkii lahaa ayaa soo ceshaday
Muslimiintu markii ay dhulka Andalus furteen dadkii deegaanka maamulkii looma dhiibin ee carabtii timid ayaa qabsatay, muddo siddeed qarni ku dhow kadibna dadkii deegaanka ayaa dhulkoodii soo ceshaday muslimiintiina waa lagasoo saaray.
v Qodobka labaad haddii la qaato: waxay ku xirantahay kalsoonida la siiyo federaalka iyo sida uu wax u qaybiyo haddii xilligaan kala guurka ah dowladda ka dambayn doonta kalsooni shacabka siiso qodobkaan wuxuu noqon karaa mid si nabad ah loogu wada daganaado.
v Qodobka saddexaad haddii la qaato: xaqiiqadu waxay tahay ilaha dhaqaalaha gobolka oo dhan waxaa gacanta ku haya maamulka Puntland oo magaalada xaafadaha u badan hoos yimaadaan.
Shacabka Puntland ee wuqooyiga deggan dhaqaalaha ilahaas kasoo baxa ma gaaro, xarumo caafimaad looguma furin, waxbarasho qiimo dhimis looguma samayn, amni looguma sugin oo waxay magaaladu ka mid tahay meelaha ugu dilka badan dalka Soomaaliya.
Haddaba haddii qodobkaan 3aad la qaato waxaan u arkaa in ilaha dhaqaalaha ee gobolka lagu qeybsado xaafadihii asalka ahaa ee magaalada xaafad kastana xuquuqda ay ku leedahay ka hesho kadibna xasillooni lagu wada daganaado.



Gunaanad:
Dhalinyarada: berigii aan iskuulka dhiganayey waxaan jeclaa cudurdaar kasta oo aan fasax ku heli karo xittaa haddii uu noqdo dagaal magaalada ka dhaca; oday Daad la oran jiray baa laga sheegay “tollaaye anaa ka gaboobaye wali waa sidoodii” mar uu ka hadlayey arrin dhalinyaranimadiisii quseysa, haddaba wax mustaqbalkiinna saamaynaya waligiin ha u sacabbo tuminina gadaal baadna ka garan doontaan.
Ciidammada: Noloshu waa hadiyad qaali ah oo Ilaahay ku siiyey, geeriduna ma dammaanad qaadeyso in aad tageyso meel ka wanaagsan halka aad hadda joogto.
Siyaasiyiinta: sababta ugu weyn oo dhiirigelinta idinsiisa waa xisaabtan la’aanta shacabka iyo aqoonyarida ka haysa maamul wanaagga iyo waxa ay uga baahanyihiin, haddaba imtixaankaan haddii aad qish ka haysataan kan aakhiro ciyaar loogama gudbayo. Ilaahay uga cabsada shacabka.
Xabbaddu waxbay dishaa!!!
Dr. Xuseen Maxamed Xirsi

Xusen.naji@gmail.com

Monday, 30 May 2016

AWOODDA IS DHIIRIGELINTA

Waxaa layli loogasoo diray casharka horumarinta bani’aadamka ee ay dumarka xaasaska ahi ku qaataan Kaniisadda maalinka axadda ah, layligu waa sidatan:
Waxaad ninkaaga soo weydiisaa lix arrimood/dhaqan oo haddii aad iska deyso aad noqonaysid xaas wanaagsan.

Waxay dumarkii raggooda kulasoo noqdeen su’aashii si uu ugu iftiimiyo khaladaadka uu ku arko si ay iyana iskaga deyso jawaabta layliga loosoo dirayna u geyso.
Mucjisadu waxay ahayd markii nin ka mid ah ragga xaaskiisu weydiisay habeenkii lixda wax ee haddii ay iska deyso ay xaas wanaagsan u noqonayso; markii uu ka fikirayna wuxuu ku yiri “illaa beri igasug jawaabta”.

Waagu markuu baryey ayuu ka hor kacay wuxuu u yeeray mid ka mid ah nimanka ubaxa iibiya wuxuuna ka iibiyey lix (6) ubax oo cassaan ah,wuuuna ugusii dhiibay ninkii fiyooraha gadayey isagoo kusoo daray warqad yar oo ay ku qorantahay
“Ma garankaro lix waxyaabood oo haddii aad iska deyso aad xaas wanaagsan noqonaysid; waxaan kugu jeclahay sida aad tahay”.

Habeenkii waxaa albaabka iga furay xaaskeyga oo ooyeysa ayuu leeyahay, markaas ayaana ogaaday dhiirigelinta awooddeeda iyo sidoo kale haddii aan lix khalad sheegi lahaa in aniguba aan leeyahay kumannaan khalad.

Axaddii dambe markii qof walba jawaabtiisii geeyay kadib waxaa ila kulmay ayuu yiri dumarkii qeyb ka mid ah waxayna ii sheegeen in jawaabteydu ahayd tix-gelintii ugu weyneyd ee ay abid maqlaan.


Sheekadaan waxaan kasoo qaatay qoraaga caalamiga ah ee Dale Carnegie buuggiisa “How to win friends and influence people”

Thursday, 26 May 2016

War labada diktoor kala qabta!

Marka aad aragto ciwaanka sheekadaan markiiba waxaa kugusoo dhacaysa sheekadii caanka ahayd ee la sheego in ay Magaalo Soomaaliya ka mid ah ka dhacday, waa sheekada wadaadka caalimka ahi intuu dugsiga soo galo uu macallinka quraanka khaldaya u saxayo oo illeen nin dhawr suuradood ku shaqaysta ayuu ahaaye caalimkii kusoo farabaxsanayo si uu khaladkiisa u asturo, ka dibna dadkii meesha joogay ay kala dhexgaleen iyagoo leh “war labada macallin kala qabta” waa marka la dhoho wadaadkaas caalimka ah baa yiri “diintiinnu macallin ma dhaafto”; Inta aan xasuusan baan u dulmarayaye markaanna bal aan labada diktoor kala qabanno!

Diktoorka koowaad waa diktoor kasoo qalin-jabiyay jaamacadaha waddanka dibaddiisa ah wuxuu soo bartay mid ka mid ah kulliyadaha la xariira caafimaadka (Paramedical), wuxuu dhawaan dib ugusoo laabtay waddanka, hadda ma ahan ninkani sidii uu waddanka uga tagay, ma xambaarsana aragtidii koobnayd iyo aqoontii dugsiga sare ee uu magaaladan kala tagay, kuma uu dhex jiro ee dusha ayuu ka arkaa baahiyaha iyo dayaca magaalada ka jira ee uusan awal arkiba jirin, waxaa sagootiyay shalay reerkiisa iyo asxaab kooban kaliya laakiin manta wuxuu filayaa in magaalo u wada baahan uu kasoo dagay,nasayey oo ehelkii ay kala baadeen salaan ugu wada tagyey, haddee marka sow ma aha in uu xirfaddiisii la shaqo tago oo bal intii uu ka gaaro ummadda wax taro isna magaaladii uu ardaynimada ku joogay nolol tii ka duwan ku joogo, wuxuu booqday hadda mid ka mid ah isbitaallada magaalada si uu qayb uga noqdo shaqada soconaysa, waxaa la geeyay isbitaalka qaybtii isaga ka quseysay waxaana kusoo dhaweeyay diktoorkii labaad; haddaba waa kuma diktoorka labaad?

Bal ha ii dambeeyo diktoorka labaade ganacsatada isbitaallada ama xarumaha waaweyn ee loo shaqo tago waxay leeyihiin xeerar ay ku doortaan shaqaalaha ay qaadanayaan iyagoo aanba milicsan natiijada shaqaaluhu soo saarayaan maadaama xarumaha iyagu leeyihiin sida ay aaminsanyihiinna aan cidu kula xisaabtamayn tayada shaqaalohooda.

Xeerarkooda waxaa ugu horreeya;
ü shaqaale jaban iyo
ü  in reerka maamulaha ama mulkiiluhu meesha ka muuqdaan.

Waxaa magaalada ku yaalla macaahid laba qol ama saddex qol ka kooban oo iyagu isku abaabulay in ay dadka waxbarashada ka daahay bal garab qabtaan oo adduunkaan qalinka la wada qaatay kulay ku ahaatana jaranjarada koobaad kasoo saaraan, bilowgii waxay bixin jireen xoogaa qofku dabka uga leexdo sida aasaaska luuqadaha, farsamooyinka gacanta ee sahlan iyo xisaabta aasaasigaa, haddase warku intii horeba soo dhaaf, waa jaamacado bixiya takhasusyo caalami ah, waa maraakis ay kasoo baxaan dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka deegaanka intiisa badan, maadaama dabagalka caafimaadka iyo kan waxbarashaduba hooseeyo ganacsatada macaahiddaan waxay soo saaraan arday shahaadooyin wata oo noocyada kala duwan ee shaqooyinka qabta.

Waxba yaanan hadalka kugu daaline diktoorka labaad waa aqoonyahan kasoo qalinjabiyay jaamacadaha fudud ee ay ka qaadatay muddo hal bil ah shahaadada caafimaad ee uu wato, isaga ayaa qeybtaan isbitaalka masuul ka ah. 
Waxaa loosoo galiyey diktoorkii kowaad waa lays magac baray waana laysaga tagay wuxuu amar iyo adeeg u diro maalintaas oo illeen isna waa warmoogee "haye diktoor-ta" hayo waa lays waraystay bal ninkasta darajada uu wato iyo maalmaha iyo habeennada uu waxbarasho usoo jeeday iyo dhib wuxuu kalasoo kulmay, diktoorka labaad wuxuu sheegay in aysan waxbarashadu wakhti badan u baahnayn ee ay muhiimaddu tahay sida dadka aad u shaqaynayso aad u taqaanid iyo in aad warqad uun wadatid magacay doonto ha lahaatee isaguna uu intaas sameeyay, sidoo kale inaan ciduna kala xisaabtamayn wixii khaldan ee soo baxa sababtoo ah buu yiri “Ilaahay baa wax daaweeya, qofkii uu ugu talagalayna isagaa iska biskoonaya”

Diktoorkii koowaad wuxuu maalinkaas ka baxay xaruntii caafimaadka isagoo is weydiinaya in isbitaalkan iyo kuwa kaleba shaqaalaha joogaa ay wada haystaan shahaadooyinkan fudud, wuxuuna niyadda iska leeyahay awal quraankay ahayde illeen meel kasta cilmigu bowsi ma dhaafin! hadda wuxuu qorshaynayaa bal inuu qeyb ka noqdo isbaddal lagu sameeyo bulshada isaga hiil iyo hoo’ba ka sugaysa iyo inuu helo koox ay is garab istaagaan si loo hagaajiyo ceebaha bulshada baahiyahana wax looga qabto.


DHAMMAAD.

Friday, 14 August 2015

SAACAD WAREEG IYO LID SAACAD WAREEG

Noloshu waxa ay ka koobantahay ayaamo ama waqti kooban oo ay sameeyaan saddexda kabaal ee gooraysada ee isku daba socda dhanka saacad wareegga (clockwise).
Ma dhacdo in ay dib usoo laabtaan kabaalladani una dhaqaaqaan lid saacad wareeg (counter clockwise) taasina waxay ka dhigantahay waqtiga ku dhaafay haba yaraatee in aanu dib kuugusoo laabanayn uuna yahay ammin noloshaada ka jaran, Haddaba maxaa kaala gudboon waqtigan qaaligaa ee aadan dib u heli doonin?.

Fursadaha aan nolosheenna ku hagaajinno dhammaantood waa kuwo u socda dhanka lid saacad wareeg (Anti-clockwise), tusaale ahaan Xajku waa fursadda ugu qaalisan ee lagu masoxo dambiyada noocyadooda kala duwan si ay taasi u dhacdana waa in dhagaxa madow toddobo jeer loogu wareegaa dhanka lid saacad wareeg, si tuubbada aan biyo uga helno waa in fureheeda aan u wareejinnaa dhanka lid saacad wareeg, si aan khaladaadkeenna u saxno una helno mustaqbal ka wanaagsan sida aan hadda ku jirno waa in aan milicsannaa taariikhdeennii hore taas oo ka dhigan in aad qalbigaaga u dhaqaajinayso dhan lid ku ah halkii noloshu u socotay ama lid saacad wareeg.

Tuesday, 1 July 2014

SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMA AADAN HAMBAYN!

Taariikhaha dunidu waa wax is dabayaalla waa isha ay ka unkamaan halka markaas la marayo iyo mustaqbalka la hiigsanayaba.

Ummad kasta waxay ilaashataa waayeheedii hore si ay u hesho ambaqaad habboon dibna aan ugu celinayn waxyaalo ay kasoo gudubtay ama waqti ay hore usoo mareen, waxay u adeegsadaan inaysa illoobin maalmihii farxadda ama xanuunka lahaa ee soo maray ciddii maalinta ay gacan u baahnaayeen u fidisay iyo cidda ka laabatay.

Ummaddii waayeheedii hore ama taariikhdeedii ka tagta waxay la midyihiin dad hadda soo baraarugay ayna ka maqantahay waaya aragnimadu waxaa laga yaabaa inay dib usoo bilaabaan maalmo mugdi ah oo dunidu markaas dhaaftay ama ay halleeyaan xariirro hore u wanaagsanaan jiray.

Maahmaahdaan waxaan qormadayda ugu bilowday sida wacan ee ay u tilmaamayso saamaynta waayihii tagay ay ku yeelanayaan waqtiga hadda jooga
.

Monday, 7 April 2014

BIL KADIB


Waxaa maanta(8.April.2014) ii dhammaatay muddo bil ah oo aan gebi ahaanba ka maqnaa goobaha lagu xariiro ee Internet-ka.

Waxaan rabaa inaan marka hore sxbayadaydii aan bisha kala maqnayn ka gudoomo soo dhawayntooda iyo hambalyadooda isoo gaartay saacadihii ugu dambeeyay kadib markaan dib ugusoo laabtay goobaha lagu xariiro.

Waxaan hambalyooyinkooda uga guddoomayaa waji aysa ka muuqan dhoolla cadayn iyo farxad, qalbi garowsan inuu dib u harayn doono mashquul aan macne wayn ku fadhiyin iyo waqti dhumis baahsan.

Ilmuhu markuu dhasho waxaa ku farxa dhammaan inta hareerihiisa joogta oo ay ugu horreeyaan waaridkii uu u dhashay balse isagu imaanshihiisa wuxuu ugu dabbaal dagaa oohin taas oo lagu sheego inuusa ku faraxsanayn adduunyo ay buux dhaafiyeen mashquul, macno yari iyo iyo fasahaad sida Soomaalidu qabto inkastoo fasiraado ka duwan jiraan.

Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee qofka Ilaahay u hibeeyay, waa waxa dhaliya in qof noqdo shaqsi adduunka magac iyo maamuus uga taga halka mid kalena waaridkii dhalay un ay soo xasuustaan waxa ay isku dhaafeenna waa sida ay uga faa’idaysteen waqtigii Rabbi ku manaystay.

Waddan sida dalkeenna Soomaaliya oo kale ah wuxuu u baahanyahay dad ka faa’idaysta waqtigooda si ay u hormariyaan, laakiin waxaa guuldarro ugu filan in dadkiisii aysanba dareensanayn faa’iidada waqtida markaasna waqtigooda qaybtii ugu muhiimsanayd ay ku lumiyaan macno yari.

Xilligii aan ka maqnaa hawada waxay ahayd waqti kooban iima suurta galin in sidii aan rabay uu iigu dhammaado balse ugu yaraan waxaan dareemay in waqti badan uu dhumi jiray una baahan in laga faa’idaysto, waana mid aan aaminsanahay inay haysato dad badan oo aan ka mid ahay.

Hadda umasoo laaban inaan ujeedooyinkaygii soo dhamaystay lkn waxaan kusoo laabtay aragti ka duwan tii aan markii hore ku joogay goobaha aan usoo laabtay.

Qoraalkayga waxaan kusoo af-meerayaa xikmaddii Xasan Al-bisri “Bani aadamow noloshaadu waa maalmo, haddii maalin tagana qayb kaa mid ah ayaa tagtay”.

Hussein M. Hersi
xusen.naji@gmail.com
www.facebook.com/hussein.m.hersi