Friday, 14 August 2015

SAACAD WAREEG IYO LID SAACAD WAREEG

Noloshu waxa ay ka koobantahay ayaamo ama waqti kooban oo ay sameeyaan saddexda kabaal ee gooraysada ee isku daba socda dhanka saacad wareegga (clockwise).
Ma dhacdo in ay dib usoo laabtaan kabaalladani una dhaqaaqaan lid saacad wareeg (counter clockwise) taasina waxay ka dhigantahay waqtiga ku dhaafay haba yaraatee in aanu dib kuugusoo laabanayn uuna yahay ammin noloshaada ka jaran, Haddaba maxaa kaala gudboon waqtigan qaaligaa ee aadan dib u heli doonin?.

Fursadaha aan nolosheenna ku hagaajinno dhammaantood waa kuwo u socda dhanka lid saacad wareeg (Anti-clockwise), tusaale ahaan Xajku waa fursadda ugu qaalisan ee lagu masoxo dambiyada noocyadooda kala duwan si ay taasi u dhacdana waa in dhagaxa madow toddobo jeer loogu wareegaa dhanka lid saacad wareeg, si tuubbada aan biyo uga helno waa in fureheeda aan u wareejinnaa dhanka lid saacad wareeg, si aan khaladaadkeenna u saxno una helno mustaqbal ka wanaagsan sida aan hadda ku jirno waa in aan milicsannaa taariikhdeennii hore taas oo ka dhigan in aad qalbigaaga u dhaqaajinayso dhan lid ku ah halkii noloshu u socotay ama lid saacad wareeg.

No comments:

Post a Comment