Monday, 7 April 2014

BIL KADIB


Waxaa maanta(8.April.2014) ii dhammaatay muddo bil ah oo aan gebi ahaanba ka maqnaa goobaha lagu xariiro ee Internet-ka.

Waxaan rabaa inaan marka hore sxbayadaydii aan bisha kala maqnayn ka gudoomo soo dhawayntooda iyo hambalyadooda isoo gaartay saacadihii ugu dambeeyay kadib markaan dib ugusoo laabtay goobaha lagu xariiro.

Waxaan hambalyooyinkooda uga guddoomayaa waji aysa ka muuqan dhoolla cadayn iyo farxad, qalbi garowsan inuu dib u harayn doono mashquul aan macne wayn ku fadhiyin iyo waqti dhumis baahsan.

Ilmuhu markuu dhasho waxaa ku farxa dhammaan inta hareerihiisa joogta oo ay ugu horreeyaan waaridkii uu u dhashay balse isagu imaanshihiisa wuxuu ugu dabbaal dagaa oohin taas oo lagu sheego inuusa ku faraxsanayn adduunyo ay buux dhaafiyeen mashquul, macno yari iyo iyo fasahaad sida Soomaalidu qabto inkastoo fasiraado ka duwan jiraan.

Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee qofka Ilaahay u hibeeyay, waa waxa dhaliya in qof noqdo shaqsi adduunka magac iyo maamuus uga taga halka mid kalena waaridkii dhalay un ay soo xasuustaan waxa ay isku dhaafeenna waa sida ay uga faa’idaysteen waqtigii Rabbi ku manaystay.

Waddan sida dalkeenna Soomaaliya oo kale ah wuxuu u baahanyahay dad ka faa’idaysta waqtigooda si ay u hormariyaan, laakiin waxaa guuldarro ugu filan in dadkiisii aysanba dareensanayn faa’iidada waqtida markaasna waqtigooda qaybtii ugu muhiimsanayd ay ku lumiyaan macno yari.

Xilligii aan ka maqnaa hawada waxay ahayd waqti kooban iima suurta galin in sidii aan rabay uu iigu dhammaado balse ugu yaraan waxaan dareemay in waqti badan uu dhumi jiray una baahan in laga faa’idaysto, waana mid aan aaminsanahay inay haysato dad badan oo aan ka mid ahay.

Hadda umasoo laaban inaan ujeedooyinkaygii soo dhamaystay lkn waxaan kusoo laabtay aragti ka duwan tii aan markii hore ku joogay goobaha aan usoo laabtay.

Qoraalkayga waxaan kusoo af-meerayaa xikmaddii Xasan Al-bisri “Bani aadamow noloshaadu waa maalmo, haddii maalin tagana qayb kaa mid ah ayaa tagtay”.

Hussein M. Hersi
xusen.naji@gmail.com
www.facebook.com/hussein.m.hersi