Friday, 25 November 2016

Xabbaddu waxbay dishaa!
Askari xilligii dowladdii dhexe jirtay tababar loo geeyay talyaaniga ayaa yiri sargaal na tababarayey muddadii 2da bilood ahaa ee ugu horreysay ayaa subax kasta markii aan soo safanno sabuuradda ku qori jiray “Xabaddu waxbay dishaa” isna ma uusan sharixi jirin annana waan la yaabanayn kalmaddan uu dhawrka bilood nagu salaamayo, hadda ayaanse ogaaday ayuu sii raaciyey in ay xabbaddu wax disho.
Qormadan kooban waxaan ku falanqeyndoonnaa colaadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo bilowgoodii heerarkii ay soo martay iyo sida lagu xallin karo.
1993 waxay ahayd markii ugu horraysay oo si rasmi ah la iskula fariistay heshiis qoranna lagasoo saaray dagaalladii ka bilowday magaalada Gaalkacyo 1991-kii, heshiiskaas aan wax yar ka iftiiminno marka hore.
Heshiiskii 1993:
Heshiiskan waxa uu ka koobnaa 15 qodod waxaana gaaray saddexdii jamhadood ee deegaanka mudug kasoo jeeday oo kala ahaa (SNDU, SSDF IYO SNA).
Sida cinwaanka hore ee heshiiska ku caddeyd heshiisku si gaar ah ugama hadlayn magaalada Galkacyo ee waxa uu quseeyay si guud (Nabadeynta Gobollada Bari Nugaal iyo Mudug) taas oo ujeedka gaarka ah ka leexinaysa Gaalkacyo oo ahayd goobta ubucda u ahayd khilaafka in aan si gaarka heshiiska loogu lafa gurin.
Marka laga tago qodobada inta badan oo ka hadlayey xaaladdii markaa taagneyd 4-ta qodob ee ugu horreeya oo kaliya ayaa ka hadlayey mustaqbalka deegaanka iyo sida loo wada degenaanayo.
Haddaba aan kasoo qaadanno 3 ka mid ah qodobbadaas.
Qodobka 2-aad
Mushkiladdii bulshada deegaannadeeda kala duwan ka dhex dhacda ha weynaato hase yaraatee in aan xoog iyo hub lagu xallin, ee si nabad gelyo ah iyo wada hadallo lagu xalliyo.
FG: qodobkaan qaabka loo qoray waa mid qurux badan lkn marka awood ka saraysa kuwa heshiinaya ama maxkamad kala xukumaysa jirto ayuu munaasab yahay lkn awoodo is le’eg midkii xadgudub sameeyana cidu aysan khaladkiisa tusi Karin qodobkan wuxuu u yahay uun khad warqad lagu qoray.
Qodobka 3-aad:
In dhulka soomaaliyeed qaranka soomaaliyeed iska leeyahay qof kasta oo soomaali ahina dagi karo ku noolaan karo kana shaqaysan karo meel kasta hase yeeshee beeluhu ay deegaan ahaan u kala leeyihiin jiidihii dhaqan ahaan u kala degi jireen kuna kala noolaan jireen.
FG: qodobkaan waxa uu quseeyaa sida ciwaanka ku cad guud ahaan gobollada qalalaasuhu ka jiray lkn Gaalkacyo oo kale oo la wada dago sida layskula noolaanayo kuma cadda waana mid ka mid ah khaladaadka heshiiskan.
Qodobka 4-aad:
Wada noolaasho wada dhaqan iyo iskaashi si tallaabo tallaabo ah ku yimaada.

FG: qodobkaan oo kale heshiis ma gali karo sababtoo ah ma cadda tallaabooyinka uu ku imaanayo iyo muddada ay ku qaadanayso iskaashiga iyo wada dhaqanku ee waa wax uun laabta laga jeclaaday.
Xalka Magaalada Gaalkacyo:
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ nin maqan tebidiis waa ninka jooga ceebtiisa” qof kasta oo xalka Gaalkacyo ka hadlana wuxuu soo qaataa heshiiskii saddexda jamhadood gaareen kaas oo aan habayaraatee mustaqbalka Gaalkacyo ka hadlin, taas oo keentay in heshiiskaas 23 sano kadib wali dagaalladii sidii u socdaan walina lagu dhimanayo isla halkii dagaalku ka bilowday taasaana markhaati cad u ah tayo xumada heshiiskaas; haddaba maxaa xal ah maanta?
Aniga waxay ila tahay 3 qodob midkood in ay reer Gaalkacyoodku qaataan.
1.     In magaalada qoladii ku xoog badata la wareegto labadeeda dhinacna xukunto
2.     In magaalada laga saaro maamul goboleedyada gacantooda lana hoos geeyo federaalka, maamulkeeda iyo dhaqaaleheedana federaalku qaybiyo.

3.     In ilaha dhaqaalaha oo isku dhacyada sal u ah si caddaalad ah labada dhinac loogu qaybiyo

Maxaa ka dhalan kara:
v Qodobka kowaad haddii la qaato dhibaatada hadda jirta kuma dhammaanayso waxayna noqonaysaa mushkilad waligeed taagnaata.
Tusaaleyaal: dhawr iyo labaatankii sano ee dagaalladu dhacayeen soomaaliya wali lama sheegin deegaan qoladii degenayd xoog loogala wareegay.
Gumaystihii awoodda badnaa uma suurta galin in uu xukunkiisu ku waaro waddamadii uu qabsaday ee ugu dambayn dadkii lahaa ayaa soo ceshaday
Muslimiintu markii ay dhulka Andalus furteen dadkii deegaanka maamulkii looma dhiibin ee carabtii timid ayaa qabsatay, muddo siddeed qarni ku dhow kadibna dadkii deegaanka ayaa dhulkoodii soo ceshaday muslimiintiina waa lagasoo saaray.
v Qodobka labaad haddii la qaato: waxay ku xirantahay kalsoonida la siiyo federaalka iyo sida uu wax u qaybiyo haddii xilligaan kala guurka ah dowladda ka dambayn doonta kalsooni shacabka siiso qodobkaan wuxuu noqon karaa mid si nabad ah loogu wada daganaado.
v Qodobka saddexaad haddii la qaato: xaqiiqadu waxay tahay ilaha dhaqaalaha gobolka oo dhan waxaa gacanta ku haya maamulka Puntland oo magaalada xaafadaha u badan hoos yimaadaan.
Shacabka Puntland ee wuqooyiga deggan dhaqaalaha ilahaas kasoo baxa ma gaaro, xarumo caafimaad looguma furin, waxbarasho qiimo dhimis looguma samayn, amni looguma sugin oo waxay magaaladu ka mid tahay meelaha ugu dilka badan dalka Soomaaliya.
Haddaba haddii qodobkaan 3aad la qaato waxaan u arkaa in ilaha dhaqaalaha ee gobolka lagu qeybsado xaafadihii asalka ahaa ee magaalada xaafad kastana xuquuqda ay ku leedahay ka hesho kadibna xasillooni lagu wada daganaado.



Gunaanad:
Dhalinyarada: berigii aan iskuulka dhiganayey waxaan jeclaa cudurdaar kasta oo aan fasax ku heli karo xittaa haddii uu noqdo dagaal magaalada ka dhaca; oday Daad la oran jiray baa laga sheegay “tollaaye anaa ka gaboobaye wali waa sidoodii” mar uu ka hadlayey arrin dhalinyaranimadiisii quseysa, haddaba wax mustaqbalkiinna saamaynaya waligiin ha u sacabbo tuminina gadaal baadna ka garan doontaan.
Ciidammada: Noloshu waa hadiyad qaali ah oo Ilaahay ku siiyey, geeriduna ma dammaanad qaadeyso in aad tageyso meel ka wanaagsan halka aad hadda joogto.
Siyaasiyiinta: sababta ugu weyn oo dhiirigelinta idinsiisa waa xisaabtan la’aanta shacabka iyo aqoonyarida ka haysa maamul wanaagga iyo waxa ay uga baahanyihiin, haddaba imtixaankaan haddii aad qish ka haysataan kan aakhiro ciyaar loogama gudbayo. Ilaahay uga cabsada shacabka.
Xabbaddu waxbay dishaa!!!
Dr. Xuseen Maxamed Xirsi

Xusen.naji@gmail.com