Sunday, 28 January 2018


Afar wadaad baa ku heshiiyay in ay labo asbuuc ictikaaf aamusnaan ah (meditation) ku qaataan goob cibaado, waxay ku heshiiyeen in ay shumac shitaan si ay iskugu baaqaan habeenkii intay hadli lahaayeen.
Habeenkii ayaa hawo damisay shumicii;
Mid baa yiri: Shumacii wa damay.
Kii kalaa yiri: sow aamusnaan kumeynaan heshiin
Kii saddexaad baa yiri: labadiinnu sharcigii waad jabiseen
Kii afaraad ayaa qoslay oo yiri aniga kaliya ayaa aamusan.
Dulucda sheekada:
Kan kowaad waxaa saameeyay wax banaanka kadhacayey dib ayuu u daarikaray shumaca isagoo aamusan.
Kan labaad sharci la jabiyey ayuu ka hadlayaa hawshiisa ayuu iskasii wadan karay
Kan saddexaad wuu xanaaqay inuu isdajiyey ahayd
Kan afaraad waxaa qaaday isjeclaan, guushiisa ayuu aamusnaan ugu raaxaysan karay.
*Afartoodu waxay ka simanyihiin in fikraddooda oo aysan shaandhayn wadaageen midkoodna ma keenin fikrad waxsoo kordhinaysa mana aamusin.
*Qofka caqliga badan waa qofka ama wax soo kordhiya iska aamusa.