Monday, 30 May 2016

AWOODDA IS DHIIRIGELINTA

Waxaa layli loogasoo diray casharka horumarinta bani’aadamka ee ay dumarka xaasaska ahi ku qaataan Kaniisadda maalinka axadda ah, layligu waa sidatan:
Waxaad ninkaaga soo weydiisaa lix arrimood/dhaqan oo haddii aad iska deyso aad noqonaysid xaas wanaagsan.

Waxay dumarkii raggooda kulasoo noqdeen su’aashii si uu ugu iftiimiyo khaladaadka uu ku arko si ay iyana iskaga deyso jawaabta layliga loosoo dirayna u geyso.
Mucjisadu waxay ahayd markii nin ka mid ah ragga xaaskiisu weydiisay habeenkii lixda wax ee haddii ay iska deyso ay xaas wanaagsan u noqonayso; markii uu ka fikirayna wuxuu ku yiri “illaa beri igasug jawaabta”.

Waagu markuu baryey ayuu ka hor kacay wuxuu u yeeray mid ka mid ah nimanka ubaxa iibiya wuxuuna ka iibiyey lix (6) ubax oo cassaan ah,wuuuna ugusii dhiibay ninkii fiyooraha gadayey isagoo kusoo daray warqad yar oo ay ku qorantahay
“Ma garankaro lix waxyaabood oo haddii aad iska deyso aad xaas wanaagsan noqonaysid; waxaan kugu jeclahay sida aad tahay”.

Habeenkii waxaa albaabka iga furay xaaskeyga oo ooyeysa ayuu leeyahay, markaas ayaana ogaaday dhiirigelinta awooddeeda iyo sidoo kale haddii aan lix khalad sheegi lahaa in aniguba aan leeyahay kumannaan khalad.

Axaddii dambe markii qof walba jawaabtiisii geeyay kadib waxaa ila kulmay ayuu yiri dumarkii qeyb ka mid ah waxayna ii sheegeen in jawaabteydu ahayd tix-gelintii ugu weyneyd ee ay abid maqlaan.


Sheekadaan waxaan kasoo qaatay qoraaga caalamiga ah ee Dale Carnegie buuggiisa “How to win friends and influence people”

4 comments:

  1. Dr xuseen xirsi sxb waa sheeko cilmi baaris ah oo cajiib ah maashaa Allah
    xikmad si dhab ah looga jawaabay weeye

    ReplyDelete
  2. Sheekadaan labada Xikmadood ee ugu muhiimsan waa
    1. qof kasta haddii la baaro dhaliilo wuu leeyahay ee inta wanaagsan hallagu wada socdo.
    2. Midda labaad ee muhiimka ahina waa inaad dhiirigeliso lammaanahaaga had iyo goor.
    waa mahadsantihiin sxbayaal

    ReplyDelete
  3. Sheekadaan labada Xikmadood ee ugu muhiimsan waa
    1. qof kasta haddii la baaro dhaliilo wuu leeyahay ee inta wanaagsan hallagu wada socdo.
    2. Midda labaad ee muhiimka ahina waa inaad dhiirigeliso lammaanahaaga had iyo goor.
    waa mahadsantihiin sxbayaal

    ReplyDelete